Skip to main content

RAGAAD [electronic resource]

Elmi, Abdirezak Sahane2024
eBook
Qiimaynta BuuggaBuugga "RAGAAD", Waa Buugg Aan Ku Lafaguray Dhibaatooyinka Guud Ee Bulshada Soomaalida Khataraha Badan Kuhaya. Wuxuu Buuggu Falaqayn iyo Faaqidaada Qodo Dheer Kusamaynayaa , Dhibaatooyinka Wadaaga ah, Ee Bulshadu Usimantahay.Waxaana Soocay Todobaatan iyo Shan (75) Dhibaato, Oon Kasoo Xulay Boqolaalka Dhibaato , Ee Bulshadeena Soomaalida , Qayr-kood Kareebay. Iyada oon Ukala qaaday Shan Qaybood/Cutub, Oo midkiiba Ay, Hoostagayaan Daraasiin Mushkilado Ah , oo ku heedaman Bulshadeena.Waxayna Kalayihiin, Shanta qaybood/Cutub:- Dhibaatooyinka Arimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Horumar la'aanta, Siyaasada, Saxaafada iyo Xadaarada Tiknoolajiyada, iyo Dhibaatooyinka Dabiiciga ah.Waxaan isku Dayay innaan dhibaato walba Sharaxaad Yar kabixiyo, Sababta keenta, Saamaynta Taban ee Bulshada Uleedahay iyo Xalka Looga Bixikaro.Mudada Aan Qoraalka Buugga Ku Gudajiray Waxaan Adeegsaday, Erayada iyo Lahjada aan Isleeyahay Bulshada Soomaalidu Meelkasta oo ay Joogto, Wayfahmikartaa . Sidookale Waxaan Meelaha Qaarkood Isticmaalay, Xiggasho Sugaan, Odhaaho iyo Gabayo Aytiriyeen, Abwaano Hore , oo Soomaaliyeed iyo Kuwo Aan anigu shaqsiyan Alifay, Si'aan Fahanka Akhristaha Ugaadhsiiyo, Meeqaamka Aan Higsanayo, ee ah, Fahanka Guud.Ugu Danbayn Waxaan Bulshada Soomaalida Ku Boorinayaa Innay Akhriyaan, Buuggan, Cilmiga iyo Khibradaha Ku Xardhana, Wixii Ka'anfaca Kadhaansadaan.Mahadsanidiin.Wabilaahi Tawfiiq.
Work:
Imprint:
[Place of publication not identified] : Abdirezak Sahane Elmi, 2024
Collation:
1 online resource (1 text file)
ISBN:
9798227035479
Language:
Somali
BRN:
4274061
Clear current selections
items currently selected
View my active Pick list
0Items in my active Pick list