Skip to main content

Aftahan [electronic resource] : Fanka Fagaare ka Hadalka Habboon

Bootaan, Bootaan2019
eBook
Gole ka hadalku wuxuu muhiim u yahay qaybo badan oo shaqooyinka maanta kamid ah. Fagaare ka hadalku waa astaanta hogaaminta. Hogaaminta maamulka, siyaasadda, warbaahinta iyo waxbarashada ba waa xirfad aan looga maarmin. Sidoo kale wuxuu si wayn qayb uga yahay nololeed maalmeedka iyo la falgalka bulshada. Buuggan Aftahan: fagaare ka hadalka habboon ayaa mid kaa haqabtiraya kugu na ridaya toobiyahaas. Cabdul SeedBuuggu wuxuu ka marag kacayaa hal-abuur nimada, waayo aragnimada, af-tahamada iyo haybadda qoraayada, taas oo kugu khasbaysa haddii aad baallihiisa furtid in aad isku xidhi kari weydo ilaa aad gidaarka ugu dambeeya soo taabanayo. Sida aad u macaansanayso ee erayadiisa, tuducyadiisa iyo ciwaanadiisa u baacsanayso ayaad waxaad u muuqanaysaa sidii hal igadh ah oo maqaar lala hor ordayo ilaa ay gaadho na aan wax bog iyo baaboco leh oo celin karaa aysan jirin.Abuu ShaybeQorayaasha BuuggaMaxamed Cabdicasiis Maxamed (Bootaan): wuxuu haystaa derejada master oo ku qaatay Diraasaynta Horumarka ah, takhasus gaar ahaan Horumarinta Dhaqaalaha, wuxuu wax ku bartay waddanka Suudaan, waa qoraa iyo halabuur ku nool Soomaaliya gaar ahaan magaalada Laascaanood. Sidoo kale waa Bare Sare oo ka tirsan Jaamacadda Nugaal. Cabdiqaadir Yuusuf Cali (Xoosh) waa aqoonyahan ku nool waddanka Ingiriiska haysta derejada master Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Diblomaasiyadda. Wuxuu wax ku bartay waddanka Turkiga.
Imprint:
[Place of publication not identified] : PublishDrive, 2019
Collation:
1 online resource (1 text file)
ISBN:
6610001033811
Language:
Somali
BRN:
4274088
Clear current selections
items currently selected
View my active Pick list
0Items in my active Pick list